Halkee Ayay Newcastle Marinaysaa Saxeexa Riyada Ee Ay Champions League Iskugu Xoojinayso?


 Kooxda Newcastle United ayaa xilli ciyaareedkii dhammaaday ee 2022-23 booska afraad kaga dhammaysatay kala sarreynta Premier League taas oo ka dhigan inay Champions League ciyaari doonto xilli ciyaareedka dambe.

Magpies ayaa isku diyaarinaya inay markale si weyn isku xoojiyaan suuqa xagaagan, Bilyaneerada Saudi-ga ah ee iibsaday milkiyada kooxdaas ayaa la diyaar ah lacagta ay kooxdu ku samaynayso saxeexyada ay iskugu xoojinayso Champions League.

Newcastle ayaa hadda ka shaqaynaysa oo waliba meel wanaagsan marinaysa saxeexa khadka dhexe ee AC Milan ee Sandro Tonali.

Saxafi Fabrizio Romano oo hadda xogtii ugu dambaysay ee heshiiskaas ka warramay ayaa sheegaya in Milan iyo Newcastle maanta galayaan qaybihii ugu dambeeyay ee heshiiskaas.

Romano ayaa sheegaya in heshiskani ku qabsoomayo 70 Milyan oo euro sidoo kale labada kooxood ka wada hadli doonaan gunnooyinka shuruudaha ku xidhan ee heshiiska.

SIDOO KALE AKHRI

Warbixinta ayaa intaas ku daraysa in Magpies heshiis ilaa 2029 ah la gaadheen Sandro Tonali iyagoo siinaya sanadkii mushahar 8 Milyan oo euro ah oo lagu daray 2 Milyan oo euro oo shuruudo ku xidhan.

Post a Comment

Previous Post Next Post