“Ilmo Kuuma Dhalayo, Afka Igama Dhunkan-kartid & Qodob Kale” – Saddexdii Shuruudood Ee Bruna Ay Ku Xidhay Neymar Ee Sababay Inuu Khiyaameeyo


 Heshiis qoys oo layaableh ayay galeen xiddiga Brazil ee Neymar iyo gacalisadiisa Bruna Biancardi, waana saddex qodob oo shuruud ahaa oo ay gabadhani ku xidhay laacibkan, taasina keentay in uu khiyaameeyo oo uu dumar kale xidhiidh la sameeyo.

[01:37, 6/22/2023] Kɪɴɢ Mᴀxᴀᴍᴇᴅ: Lammaanahan ayaa rajaynaya in uu u dasho canug dhowaan, iyadoo ay Biancrdi shaacisay bishii April in ay xaamilo tahay oo ay uur u leedahay Neymar Jr. xilli ay ku maqnayeen safar tamashleh ah oo ay u baxeen intii uu dhaawaca ahaa Neymar.


Khilaaf ayaa lamaahan hadheeyey marar kala duwan, waxaana sababta kashifay wargeyska Daily Mail oo sheegay in aanu Neymar daacad u ahayn xaaskiisa.

Sababta keentay in uu Neymar Jr. shukaansado dumar kale ayaa lagu sheegay saddex shuruudood oo layaableh oo ay gabadhani ku xidhay laacibkan waqtigii ay is-guursanayeen, kuwaas oo kaliya loo fahmi karayo dhaqan gaalo.

[01:37, 6/22/2023] Kɪɴɢ Mᴀxᴀᴍᴇᴅ: Shuruudda koowaad ee riday laacibkan, kuna qasabtay inuu dumar kale shukaansado ayaa lagu sheegay in ay tahay, in xaaskiisu ay qasab kaga dhigtay, in waqtiga gogosha uu xidho waxyaabo ka ilaalinaya inay uur qaaddo, waxaana shuruuddeeda ku cad in uu xidho ‘kondhom’, balse marka ay iyadu doonto uu bixiyo. Shuruudda labaad ayaa ah in aanu afka ka dhunkan/shumin karin oo mamnuuc ay ka tahay.

Post a Comment

Previous Post Next Post