“Guuldarrada Si Fiican Ayay….” – Gareth Bale Oo Sawir Cajiib Ah Horyaalka Maraykanka Kasii Siiyay Messi

 

Weeraryahankii hore ee kooxda Real Madrid ee Gareth Bale oo kasoo ciyaaray horyaalka Major League Soccer ee Maraykanka wakhtiyadii ugu dambeeyay ee waayihiisa ciyaareed ayaa xog siiyay Lionel Messi oo dhawaan kooxda Inter Miami ee horyaalkaas ka degay.

Bale ayaa dhawr bilood kasoo tirsanaa kooxda LAFC isagoo kula soo guuleystay MLS Cup isla markaana goolka guusha qaab cajiib ah madax ugu dhaliyay.

Messi ayaa la filayaa inuu kulankiisa ugu horreeya ee MLS-ka ciyaaro 21-ka bisha dambe ee July, heshiiska uu ugu wareegay Inter Miami ayaa wax weyn ka bedeli doona guud ahaan horyaalkaas.

Bale oo BT Sports la hadlayay ayaa u sheegay Messi oo uu Barcelona kula soo xifaaltamay in horyaalka Maraykanka uusan culays badani ka jirin guuldarradana ay aqbalaan.

“In badan ayuu ka degen yahay (MLS), haddii aad guuldarro kula kulanto Real Madrid waa sida in dunidu soo dhammaatay” ayuu yidhi Gareth.

“Guuldarrada inyar ayay aqbalaan (Maraykanka), ma jiraan wax cawaaqib ahi, heer labaad uma dhaadhici kartid halkaas”.

“Markaad kulan guuldarro la kulanto midka xiga ayaad tagaysaa. Guuldarrada si aad u wanaagsan ayay u aqbalaan halkaas”.

“Way yaqaanaan sida loo guuldarraysto balse guulkasta waxay ugu dabaaldegayaan sida inaad horyaalka ku guuleysatay”.

Post a Comment

Previous Post Next Post