Man United Oo U Yeedhisay Harry Kane Sida Kaliya Ee Ay Gudaha Suuqan Ula Saxeexan Karaan


 [02:00, 6/22/2023] Kɪɴɢ Mᴀxᴀᴍᴇᴅ: Manchester United ayaa weeraryahanka kooxda Tottenham ee Harry Kane u sheegtay qaabka kaliya ee uu saxeexiisa suurogalka ugu noqon karo gudaha suuqa xagaagan.

[02:00, 6/22/2023] Kɪɴɢ Mᴀxᴀᴍᴇᴅ: Sida uu sheegayo wargeyska The Sun, Manchester ayaa doonaysa in Kane warqada codsiga bixitaankiisa u dhiibo Tottenham oo isagu cadaadiyo heshiiska lagu iibinayo maadaama ay kooxdu ku adkaysanayso inuusan iib ahayn.


Man United ayaa waji gabax kala kulantay isku daygeeda saxeexa Harry oo ay 80 Milyan oo pound ku doonayso balse kooxdiisu 100 Milyan oo pound ku qiimaynayso.

[02:00, 6/22/2023] Kɪɴɢ Mᴀxᴀᴍᴇᴅ: Guddoomiyaha Tottenham ee Daniel Levy ayaan doonayn inuu hantidiisa ugu weyn si sahlan uga iibiyo koox uu xifaaltan kala dhaxeeyo balse 29 sano jirkaas oo heshiiskiisa kooxda hal sano ka hadhay ayaa isagu bixitaan doonaya.
[02:00, 6/22/2023] Kɪɴɢ Mᴀxᴀᴍᴇᴅ: Manchester ayaa doonaysa saxeexa weeraryahan dhexe balse ma rabto in xaalada Harry Kane ay sii jiitanto. Kane ayaa 280 gool ugu soo dhaliyay Tottenham 435 kulan.

Post a Comment

Previous Post Next Post