Damaca Saudi Arabia Oo Heer Cusub Gaadhay & Laacibka Cajiibka Ah Ee Ay Man City Ka Kaxaynayaan

 

Waxa suuqa qaarada Yurub sida duufaanta xagaagan kusoo galay horyaalka dalka Saudi-ga iyadoo wakaalada maalgelinta dalkaas ee PIF ay samaynayso dhaq-dhaqaaq xoogan oo Saudi Pro League kor loogu qaadayo.

[01:49, 6/22/2023] Kɪɴɢ Mᴀxᴀᴍᴇᴅ: Xiddigaha waaweyn ee halkaas ka degay gudaha suuqan waxa laga xusi karaa Karim Benzema, N’Golo Kante, Kalidou Koulibaly iyo Hakim Ziyech halka uu Cristiano Ronaldo oo lix bilood sii joogay kasii horreeyay.


Saxeexa ilaa haatan farriinta ah ayaa ah midka 26 sano jirka khadka dhexe ee Ruben Neves oo ay 55 Milyan oo euro kula wareegtay Al Hilal kaas oo da’yaraan kaga tagay guud ahaanba kubadda cagta Yurub.

Warka culus ee ugu dambeeyay ayaa ah in wargeyska Marca ee Spanish-ka ahi sheegayo in xiddiga laf-dhabarta u ah Manchester City ee Bernardo Silva qarka u saaran yahay inuu Saudi Arabia ka dego.

[01:51, 6/22/2023] Kɪɴɢ Mᴀxᴀᴍᴇᴅ: Saxafi Fabrizio Romano ayaa dhinaciisa sheegaya in Silva uusan wali go’aan gaadhin balse uu bartilmaameed weyn u yahay PSG sidoo kalena ay kooxaha Saudi Arabia saxeexiisa riixayaan.

Post a Comment

Previous Post Next Post